Xuutiyiinta Yemen oo Gantaal culus ku dhuftay Xero ay leeyihiin Ciidanka Israa’iil

0
27

Xuutiyiinta Yemen oo Gantaal culus ku dhuftay Xero ay leeyihiin Ciidanka Israa’iil

War kasoo baxay Militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Gantaal laga soo tuuray Dalka Yemen uu ku dhacay Bartamaha deegaannada ay sida xoogga ah ku heystaan Yuhuudda, goobta uu sida gaar ah ugu dhacay ayaa lagu sheegay dhul furan.

Israa’iil ayaa ka gaabsatay in ay faah-faahin ka bixiso khasaaraha ka dhashay iyada oo dabooshay xogta la xiriirta in la helo macluumaadka kooban oo dhankeeda ay faafisay sida ka muuqata warbixinta hordhaca ah ay gudbiyeen Militariga Yuhuudda.

Nooca Gantaalla waa kuwa dhulka laga tuuro, waxa ay sidaas Militariga Israa’iil meesha uga saareen wararka sheegaya in ay weerarkaas lagu fuliyay diyaaradaha aanay cidi wadin ee loo garan ogyahay Drones-ka.

Wargeyska Times of Israel ayaa xaqiijiyay xog ka madaxbannaan Militariga oo sheegeysa in waxyeello soo gaartay ciidamo ku sugnaa mid kamid ah xeryaha ciidankooda ay ku sugan ee ku yaalla bartamaha deegaannada ay xoogga ku heystaan.

Maraykanka ayaa horay digniin uga soosaaray weerarro halis badan oo sababi kara khasaara xooggan oo Xuutiyiinta Yemen, Iiraan, Xamaas iyo Xisbullaahida Lubnaan ay ku beegsan karaan Saldhigyada ciidanka Israa’iil ay ku sugan yihiin maadaama Militarigooda uu billaabay beegsiga goobo kala duwan oo dhinacyadaas ay ku sugan yihiin.