Tahriibayaal Ku Dhintay Marin Biyoodka U Dhexeeya Dalalka Faransiiska Iyo Ingriiska

0
36

Tahriibayaal Ku Dhintay Marin Biyoodka U Dhexeeya Dalalka Faransiiska Iyo Ingriiska

Sideed qof ayaa ku dhintay habeenimadii xalay iyagoo doonaya in ay ka gudbaan Kanaalka u dhaxeeya wadamada Faransiiska iyo ingiriiska sida ay sheegeen booliska Faransiiska.

Kooxaha badbaadada ayaa lagu war galiyay kaddib markii dooni la kulantay xaalad adag biyaha woqooyiga Boulogne-sur-mer ee gobolka Pas-de-Calais saqdii dhexe ee xalay.

Doonta waxa la socday 50 qof, waxayna bilowday in ay quusto wax yar uun kaddib markii ay ka shiraacatay xeebta.

Arintan ayaa imaanaysa labo todobaad uun kaddib markii 12 qof oo ay ku jiraan 6 caruurra iyo haweeyney uur leh ku dhinteen dooni siday tobannaan muhaajiriin ah oo ku quustay kanaalka, waana tii ugu xumeyd ee sanad kan ka dhacda Kanaalka u dhaxeeya labada wadan.

Ilaallada xeebaha Faransiiska ayaa sheegay in doonidu ku socotay xeebta magaalada Ambleteuse laakiin kooxaha gurmadka wax caawimaad ah ugama fidin dhinaca badda.

Dhinaca badda, kooxaha gurmadka ayaa caawimaad u sameeyay 53 qof, waxayna xaqiijiyeen dhimashada 8 kale, sida ay sheegeen ilaallada xeebaha. Ma jiro qof kale oo la helay intii ay socotay baadi goobka laga sameeyay badda.

Baaritaan ayuu furay xafiiska xeer ilaalinta guud ee Boulogne-sur-mer.

Afhayeenka Dawladda Ingiriiska ayaa xaqiijiyay dhacdan ugu dambeysay, waxana uu sheegay in maamulayaasha Faransiisku ay hoggaaminayaan ka jawaab celinta iyo baaritaanka dhacdadan.

Xoghayaha Arimaha Dibadda Ingiriiska David Lammy ayaa sheegay in ay aad u xuntahay in la maqlo “khasaare nafeed oo dheeraada” kanaalka.

Wuxuu u sheegay Axaddii barnaamijka Laura Kuenssberg in dad badan “dabcan aysan awoodin in ay sameeyaan” guud ahaan kanaalka, marka ay arkeen noocyada doomaha caagga ah ee muhaajiriintu isticmaalaan.