Masar oo Eritrea ka heshay taageero ka dhan ah Itoobiya

0
30

Masar oo Eritrea ka heshay taageero ka dhan ah Itoobiya

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badri Abdulatty ayaa gaaray magaalasa Asmara ee dalka Erirea

Waxaa ka mid ah wafdigaas Madaxa Sirdoonka Guud ee Masar Abbas Kamel iyo safiirka Masar u fadhiya Eritrea Mohamed Hatem el-Atawy.

Wafdigan ayaa fariin ka timid Madaxweyne El-Sisi u gudbiyay dhigiisa Afwerki Taasoo ku saabsan horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ammaanka gobolka, arrimaha badda cas, iyo xaaladda Soomaaliya, iyo Suudaan.

Madaxda sare ee Eritrea iyo Masar ayaa ka wada hadlay Iskaashiga arrimaha gobolka oo ay ku jirto dhawrida madax banaanida Soomaaliya waxaana sidaas ay kasoo baxday wada hadalo dhexmaray Madaxweynaha Eritrea iyo Wafdiga sare ee kasocda Masar.

Dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa khilaaf xoogan oo arrimo kala duwan salka ku haya waxa uu kala dhexeeya dowlada Itoobiya, waxaana gobolka Geeska afrika mudooyinkan laga dareemayaa xiisado iyo isxulufeysi ka dhan ah Maamulka Abiy Ahmed.

Xilliyadan casriga ah, marka dal doonayo inuu tallaabo Military qaado, wuxuu taageero dhaqaale, military iyo diplomaasi ka raadsadaa dunida.

Laba bilood gudahood, Masar waxay isku-martay ilaa 8 dal oo ay u dirtay madax kala heer ah. Waxay u muuqataa inay Masar raadinayso dagaalka ay gali doonto cid ka taageerta ama xataa diplomacy ku taageerta ama xataa ka aamusa marka la iskugu yimaaddo fagaarayaasha caalamka sida sida golaha amaanka ee QM