Lacagta maalin walba Ruushka kaga baxda dagaalka Ukraine

0
32

Lacagta maalin walba Ruushka kaga baxda dagaalka Ukraine

Qiimaha ay Russia ku bixinayso dagaalka, ayaa cirka isku-shareeray: Maalin walba $323 million baa uga baxda dagaalka sida ay sheegayaan saxaafadda taabacsan Russia iyo kuwo reer- Galbeedka ah.

Dagaalku wuxuu socdaa sanadkii saddexaad.

Lixdii bilood ee ugu horraysay sanadkan 2024, dhaqaalaha Russia uga baxay dagaalka ayaa lagu sheegay 5.3 trillion rubles [$55.65 billion]. Marka aad barbardhigto sanadkii hore lixdii bilood ee ugu horraysay, dhaqaalaha Russia ay ku bixisay dagaalka Ukraine wuxuu kordhay 36%.

Sidaa darteed, usbuuc walba waxay dagaalka ku kharash garaysaa 203 billion rubles. Saacaddiina 1.2 billion rubles [$13.3 million]. Sidaa waxaa warbixintiisa ku qoray Khabiir Janice Kluge oo u shaqeeya the German Institute for International and Security Affairs.

Lacagta ugu badan waxay gashaa hub-u-soo iibinta ciidammada ku jira jiidaha hore ee dagaalka.

North Korea iyo Iran, ayaa ah cidda ugu badan ee ay Russia hubka ka soo iibsato. Hubka gudaha Russia laga soo saaro, Russia waxay u dhigataa dib in badan oo ka mid ah. Waxayna ugu talogashaa, dagaalka NATO ee la filan karo mar walba.

Dhaqaalaha Russia 7-8% ayey ku bixisaa dhaqaalaha. Algeria 8.9% ayey difaaca ku bixisaa. South Sudan oo fakhri ah, 6.3% ayuu ku bixiyaa difaaca dalka. NATO 2% ayaa ku adag inay difaaca ku bixiyaan dal walba.

Ilaa hadda, Russia waxay maaraynaysaa dhaqaalaha badan ee ay isticmaalayso. Saliidda iyo gaaska ay dhoofiso, ayey ka iibisaa dalalka la baxay Global South.