Hal arrin Oo Burburin Karta Xiriirka Lamaanaha iyo Sida Loo Xallin Karo

0
32

Hal arrin Oo Burburin Karta Xiriirka Lamaanaha iyo Sida Loo Xallin Karo

Si kasta oo lamaanuhu ay iskugu niyad wanaagsan yihiin, hadana waxaa soo wajihi kara caqabado keeni kara isfaham darro iyo khilaaf. Aad ayay u tiro badan yihiin sababaha burburin kara xiriirka lamaanaha, laakiin mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn waa wada hadalka lamaanaha oo yaraada.

Qofka kasta oo doonaya in xiriirkiisu uu noqdo mid caafimaad qaba oo farxad leh waa inuu fahmo sababta wada hadalka iyo sheekadu ay muhiim u yihiin iyo haddii la waayo sida ay u dhaawici karto xiriirka lamaanaha.

Aasaaska xiriirrada: Wada-hadal
Wada hadalku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee nolosha qoyska. Waxa ay lammaanayaashu ku cabbiraan baahiyahooda, rabitaankooda iyo cabashooyinkooda. Wada hadalka tolmoon, wuxuu ka kooban yahay hadal iyo dhageysi, taas oo xaqiijinayna in labada qof ay dareemaan in la maqlay, lana tixgeliyay.

Marka wada hadalku uu yahay mid cad oo furan waxa ay xoojisaa galgacalka u dhexeeya labada qof waxayna caawisaa in ay ka gudbaan caqabadaha soo wajihi kara xiriir kasta.

Sida wada hadal la’aantu ay dhaawacdo xiriirka lamaanaha:
Wada hadal la’aantu inta badan waxa ay keentaa isfaham darro. Marka lammaanuhu ay guuldarraystan inay wax cadeeyaan ama ay iska ilaaliyaan ka hadalka arrimaha muhiimka ah, waxaa dhici karta inay si qaldan u fasirtaan midba midka ficilladiisa iyo niyadiisa. Tani waxa ay abuurtaa khilaaf laga maarmi karay iyo caro.

Khilaafyada oo aan la xallin:
Khilaafku waa wax dabiici ah oo qayb ka ah xiriir kasta, laakiin sida loo maareeyo ayaa wax wayn bedeli karta. Wada hadalka oo xumaada badanaa waxay keentaa khilaafyada oo aan la xallin, maadaama lammaanuhu ay iska ilaaliyaan ka hadalka arrimahooda. Muddo kadib, khilaafyadan aan la xallin, way isbiirsadaan, taas oo kordhisa isku dhacooda iyo inay dareen aahaan kala fogaadaan.

Dareenka galgacalka oo yaraada:
Dareenka galgacalka waxa uu ka abuurmaa in la sheekaysto oo si furan la iskula wagaago fikradaha iyo dareemada. Wada hadal la’aantu waxay carqaladaysaa hannaankan, taas oo adkeynaysa in lamaanuhu ay noqdaan kuwo iskugu xiran. Galgacalka la’aantiisa, xiriirku wuxuu noqdaa mid aan qanaaco iyo farxad lahayn.

Kalsooni la’aan
Kalsoonidu waa xabagta ama koollada isku haysa xiriirada. Wada hadalka la’aantuna way burburin kartaa kalsoonida. Marka lammaanuhu aysan noqon kuwa daahfuran ama aysan ka sheegin waxyaabaha ay samaynayaan iyo go’aammadooda, waxay abuuri kartaa tuhun iyo shaki. Kalsoonidu haddii ay burburto way adag tahay in dib loo dhiso, inta badanna kalsooni la’aanta waxaa keena wada hadal la’aanta.

Qanaacada xiriirka oo hoos u dhacda:
Marka wada hadal uusan jirin, qanaacada xiriirku badanaa hoos ayay u dhacdaa. Lammaanahu waxaay dareemaan qadarin la’aan, isku-xirnaan la’aan iyo isfaham inuusan jirin, taas oo keenaysa qanaaca la’aanta xiriirka. Muddo kadib, tani waxa horseedaa in niyad ahaan dib loo kala gurto iyo tayada xiriirka oo hoos u dhacda.

Sidee loo maareeya wada hadalka oo yaraada ama xumaada?

Dhageysi:
Way kala duwan yihiin dhageysiga iyo maqalka, labadooda dhageysiga ayaa xeeldheer. Dhageysigu waa in diirad-saaryahaaga oo dhan aad wada siiso qofka hadlaya, adigoo fahmaya fariintiisa, jawaab celintaaduna ay noqoto mid aad ka fikirtay. Arrintani waxa ay u baahan dulqaad iyo naxariis, waxa ay lammaanaha dareensiisaa in la qadarinayo, lana dhageystay. In si wacan la isku dhageysto waxay wanaajisaa wada hadalka lammaanaha waxayna yareysaa isfaham darrada.

In si furan oo daacad ah loo wada hadlo:
Wada hadalka furan ee daacadda ah waxa uu muhiim yahay in laga hadlo dhibaatooyinka jira iyo ilaalinta kalsoonida. Waa in lammaanuhu ay dareenkooda iyo fikradahooda u cabiri karaan iyagoo aan ka baqayn in la xukmiyo ama iska caabbin ay la kulmaan.

Xirfadaha xalinta khilaafaadka:
Barashada xirfadaha xalinta khilaafaadku waxa ay muhiim u tahay maaraynta khilaafyada. Xirfadahan waxaa ka mid ah, degenaanta, eedaynta oo la iska ilaaliyo, in laga wada shaqeeeyo raadinta xal lagu wada qanci karo. Isku-dhacyada oo loo maareeyo si wax hagaajinaysa, waxa ay ka hortagtaa in caqabado yaryar ay isku bedelaan dhibaatooyin waa wayn.

Akhriso: Hababka Ugu Fiican Ee Xal Loogu Heli Karo Khilaafka Qoyska

Faaidooyinka wada hadalka tolmoon:
Xoojinta isku xirnaanta lamaanaha:
Wada hadalka tolmoon waxa uu xoojiyaa isku xirnaanta lamaanaha. Marka labada qofba ay dareemayaan in ismaqal iyo isfaham uu ka dhexeeyo, badanaa way isbarbar istaagaan, waxayna ka wada shaqeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen himilooyinkooda.

Kalsoonida iyo kalgacalka oo siyaada:
Wada hadalka furan ee daacada ah waxa uu dhisaa kalsoonida iyo waxa loo yaqaanno “emotional intimacy” oo ah dareenka kalcalka, naxariista iyo isu hillowga ee lamaanaha ka dhexeeya.
Lamaanaha si fiican u wada hadla waxay guurkooda ku dareemaan kalsooni taas oo siyaadisa isku qanacsanaata iyo isku xirnaanta.

Farxadda guurka:
Marka wada hadalka lamaanahu uu xoogan yahay, farxada iyo qanaacada guurku way siyaadaan. Lamaanaha waxa ay dareemaan isku-xirnaan iyo qadarin, taas oo xiriirkooda ka dhigta mid farxad leh oo adag.

Ugu dambeyntii, in la fahmo muhiimadda wada hadalka iyo in laga shaqeeyo sidii loo kobcin lahaa waxa ay ka hortag u noqon kartaa muskilado badan oo ka dhex jira qoysaska.

W/Q: Hirsi Ahmed