Amniga Putin Oo sare loo Qaaday Xilli Uu Booqasho ku Tagay Turkiga

0
34

Amniga Putin Oo sare loo Qaaday Xilli Uu Booqasho ku Tagay Turkiga

Amniga Putin ayaa sare loo qaaday , sida laga arkay kulamadii u dambeeyay ee uu ka soo muuqday , iyadoo laga soo xigtay ilo saraakiisha Ruushka in laga hortagay iskudayo lagu doonayay in lagu dilo, taaso dhalisay isbeddelo lagu sameeyo nidaamkiisa ilaalada.

Booqasho uu ku tagayo Turkiga ayaa dib loo dhigay illaa saddex jeer, sababo la xiriira inuu Putin dalbaday Moscow illaa Ankara inay la socdaan diyaaradahiisa dagaalka, taasoo ka dhigan raadarrada NATO inay arkayaan diyaaradaha dagaalka Ruushka oo ku jira hawadooda, sida uu sheegay wargeyska Middle East Eye oo xiganaya saraakiil Turki ah, si la mid ah Putin ayaa diidday inuu deggo hoteellada Ankara oo kuwa ugu weyn ay leeyihiin reer galbeedka gaar ahaana saddexda hoteel ee ugu sarreeya oo kala ah ; Sheraton, JW Marriott iyo Hilton oo ah ganacsi uu Mareykanka leeyahay.

Isbeddelka lagu sameeyay nidaamka amni ee Putin ayaa ah mid aan ku jirin hab-maamuska degsan ee dalalka, taa oo dhalisay in Turkiga uu dooddo ka leeyahay shuruudaha uu ku imaan karo Ankara Putin, waxaa jira iskudayo inuu toddobaadka u horreeya Oktoobar booqashada ay billaabato. Markii u dambeeyay ee Ankara uu tago waxay ahayd 2014-kii.