Somaliland oo Sabab layaab leh u xirtay Maktabad Masar ku laheyd Hargeysa

0
35

Somaliland oo Sabab layaab leh u xirtay Maktabad Masar ku laheyd Hargeysa

Maamulka Somaliland amar kasoo baxay ayaa lagu xiray maktabad weyn oo dowladda Masar ka dhistay magaalada Hargeysa , waxaana deegaannada Somaliland lagu amray in ay si deg deg ah uga baxaan muwaadiniin Masaari ah oo joogay halkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd, ayaa amray in la xiro maktabadii Masar ku laheyd magaalada Hargeysa, waxa uuna wasiirka sababta loo xiray maktabada ku sheegay walaac amni darteed in loo xiray maktabadaasi.

Waxa uu sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, u qabtay shaqaalihii Masaarida ahaa ee ku sugnaa magaalada Hargeysa in dalka uga baxaan muddo ku siman 72-saacadood, waxaana hadda diyaar hgarow ugu jira sidii ay Somaliland uga bixi lahaayeen shaqaalo Masaari ahaa.

“Waxaan shaacinayaa go’aan Somaliland ka gaadhay maktabada dhaqanka ee Masar ku lahayd Hargeysa, waxaa jira oo dawladda Somaliland aqoonsatay walaacyo amni oo halis ku ah qaranimada Somaliland” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa ka careysan heshiis iskaashi oo dhinaca amniga ah oo dhax maray dowladaha Soomaaliya iyo Masar, iyadoona lagu wado in Masar ciidamo nabad ilaalin ah usoo dirto Koonfurta Soomaaliya, si ay u taageeraan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.