Sababaha Keena Af Qalleylka Iyo Harraadka Habeenkii Lala Soo Kaco

0
37
xr:d:DAF06H-qZLk:4,j:1404407205159449976,t:23112217

Sababaha Keena Af Qalleylka Iyo Harraadka Habeenkii Lala Soo Kaco

Dhammaanteen waxaan dareennaa harraad, xilliyo kala duwan maalintii. Waxaana jira xaalado badan oo qofka inuu oon dareemaa ay tahay waa iska dabiici ah sida jimicsiga kadib, dibadda oo la baxo iyada oo ay qorraxdu kulushahay, cunnista cunnada uu xawaashku ku badan yahay ama cunnada milixdu ay ku badan tahay.

Si kastaba ha ahaatee in oon ama harraad la dareemaa habeenkii, waxa ay qofka ku abuurtaa walaac.





Sababaha Keena Af Qalleylka Iyo Harraadka Habeenkii Lala Soo Kaco

Dhammaanteen waxaan dareennaa harraad, xilliyo kala duwan maalintii. Waxaana jira xaalado badan oo qofka inuu oon dareemaa ay tahay waa iska dabiici ah sida jimicsiga kadib, dibadda oo la baxo iyada oo ay qorraxdu kulushahay, cunnista cunnada uu xawaashku ku badan yahay ama cunnada milixdu ay ku badan tahay.

Si kastaba ha ahaatee in oon ama harraad la dareemaa habeenkii, waxa ay qofka ku abuurtaa walaac.


Maxay ka dhigan tahay oonka lala soo tooso habeenkii ama subaxdii?
Ma ogtahay in celcelis ahaan qofka qaangaarka ah ee caafimaadka qaba uu sameeyo nus liitar calyo ah maalintii?

Hagaag, aan ka hadalyo calyada iyo howlaha muhiimka ah ee ay inoo qabato. Calyadu waxa ay kaalin mug leh ka qaataa nolol maalmeedkeenna. Jirku wuxuu calyada u adeegsadaa:

Ka takhusidda jeermisyada afka
Ka hortagga bololka ilkaha
Nidaaminta pH-ta afka
Caawinta cunno shiidista
Jilcinta cunnada taas oo fududaynaysa calaalinta iyo liqidda cunnada.
Xadidida samaysanka haraaga cunnada ee ilkaha
Qoynta afka taas oo caawinaysaa hadalka
Qanjirrada calyada oo soo saari kari waaya calyo ku filan waxaa loo yaqaannaa “xerostomia” ama af-qalleyl, waana wax la dareemi karo.

Af-qalleylka waxaa si gaar ah loo dareemi karaa marka uu carqaladeeyo hurdada oo harraad lala soo tooso habeenkii. Sida oo kale, waxa uu keeni karaa:

Urta afka oo xumaata
Cune xanuun
Infekshanno ku dhaca afka
Ilko bolol iyo cirrod xanuun
Nadaafadda afka oo lagu dedaalaa, waa u muhiim qof kasta, waxay se muhiimad gaar u sii leedahay dadka u nugul af qalleylka maadaama ay raad xun ku yeelato ilkaha iyo cirridka.

Haddii aad leedahay af qalleyl waa muhiim inaad ogaato sababta keenaysa. Sababaha ugu badan ee oonka ama harraadka habeenkii lala soo kaco keena waxaa ka mid ah:

Inaad cabbi weydo biyo kugu filan maalintii.
Waxyaabaha ugu waa wayn ee calyadu ay ka samaysan tahay waxaa ka mid ah biyaha. Sidaas darteed biyo kugu filan oo aad cabbi weydo maalintii waxa ay keenaysaa in jirku uu heli waayo wixii uu u baahnaa si uu u sameeyo xaddi ku filan oo calyo ah taas oo keenaysa af qalleyl.

Waxaa muhiim ah inaad ogaato biyo badan oo aad cabtaa hurdada ka hor xal uma ahan oonka lala soo kaco habeenkii. Xaqiiqdii biyo aad u badan oo la cabbo habeenkii waxa ay mayraysaa qaar ka mid ah calyadii awal afka ku jirtay taas oo siyaadinaysaa af qalleylka habeenkii, sida oo kale, waxa ay keenaysaa kaadi badan habeenkii

Biyo kugu filan oo aad maalintii cabtaa waxa ay caawinaysaa in jirkaagu uu soo saaro xaddigii calyada ee loo baahnaa si loo xadido af qalleylka.

Dawooyinka qaar:
Waxaa jira boqolaal dawo oo lala xiriiriyo af qalleylka, waxaana ugu badan kuwa aad heli karto iyada oo aan laguu qorin.

Dawooyinka harraadka keena waxaa ka mid ah

Qaar ka mid ah dawooyinka loo adeegsado in lagu daweeyo cilladaha kaadida
Dawooyinka niyad jabka iyo walwalka
Dawooyinka dhiig karka
Dawooyinka xasaasiyadda
Afka oo laga neefsado:
Marka aad hurudo waxaa loogu talo galay inaad sanka ka neefsato ee aadan ka neefsan afka. Haddii aad afka neefsato inta badan xiliga hurdada, waxa ay keenaysaa in afku uu qalalo.

Xaaladaha keeni kara in marka aad hurudo aad afka ka neefsato halkii aad ka neefsan lahayd sanka waxaa ka mid ah:

Caadooyinkaaga hurdo
San-xiranka ay keenaan xasaasiyadaha ama qabowga.
Khuurada
Cillada neef ku dhegga hurdada ee loo yaqaanno “sleep apnea”.
Waxa aad cunto ama aad cabto hurdada ka hor:
Hurdada ka hor waxaa fiican in laga dheeraado cunnooyinka ka qayb qaata af qalleylka habeenkii.

Tusaale inaad cunto cunno kulul xaawash leh ama cunno milixdu ku badan waxa ay keentaa harraad, taas oo ku soo kicinaysaa habeenkii.

Sida oo kale, kafeegu waxa uu siyaadiyaa harraadka. Ugu dambeyntii sigaar cabbistu waxa ay keentaa af qalleyl.

Cillado caafimaad:
Inta badan harraadka lala soo tooso habeenkii ma ahan cillad caafimaad. Si kastaba ha ahaatee, af qalleyl waxa uu sababi karaa in caafimaadka afku uu xumaado hadii aan lagu dedaalin nadaa

 

Src: DaryeelMgz