Turkiga oo Somalia ku tijaabinaya Gantaalada Balastic ah

0
22

Turkiga oo Somalia ku tijaabinaya Gantaalada Balastic ah

Turkiga ayaa doonaya inuu Soomaaliya ka hirgeliyo saldhig uu ku sameynayo tijaabadda gantaalladiisa ballistic-ga ah, codsigan waxaa la sheegay in loo diray dawladda Soomaaliya sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg.

Turkiga wuxuu doorbidayaa dhulka bannaan ee cirifka badweynta Hindiya ee ku dhow dhul-baraha oo mara Soomaaliya waa aag istiraatiji ah oo dal ay adagtahay inuu isku helo, balse isagoo ka faa’iideysanaya Turkiga iskaashigiisa isku-dhiibada ah ee Soomaaliya, wuxuu u soo rarayaa saldhig tijaabada gantaallada riddada dheer, sababtoo ah mar kasta oo tijaabada ay ka dhacdo meel ku dhow dhul-baraha waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadida baaxada iyo hufnaanta gantaalada hawada.

Dhulbaraha waa xariiq dhexmarta meere kasta taasi oo u qeybisa labo gobol koonfur iyo waqooyi. Dhulbaraha, sidoo kale loo yaqaano xariiqda dhexe waxay meeraha dhulka ka dhex martaa qaarada Afrika, bartamaha Ameerika, iyo qeybo ka mid ah Aasiya. Soomaaliya waxaa loo aqoonsan yahay inuu dhul-baraha maro deegaanka Saanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Warbixinta shabakadda Bloomberg, waxaa lagu sheegay tijaabada gantaalada ballistic-ga ee Turkiga inaysan saameyn ku yeelan doonin deegaanka oo la diyaarin doono hannaan ka hortaga qashinka ka dhalanaya tijaabada.

Masaafada dheer ee ay isku jiraan Turkiga iyo Soomaaliya , si saldhig tijaabo gantaalada ah uu uga hirgeliyo Turkiga gudaha Soomaaliya, waa inuu aaggaa saldhigga ka diyaariya deked iyo saldhig ilaalo oo ay waqti walba joogayaan tiro ciidanka Turkiga ah, markaa oo xataa laga yaabo inay taageerro waqti walba ah ay ka heli karaan ciidanka badda Turkiga ee hadda lagu wareejiyay xeebaha Soomaaliya, iyadoo la dhigayo hannaanka difaaca hubka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaana si joogta ah halkaa uga howlgalaya, si ay dhaqdhaqaaqa ula socdaan, waa hanti muhiim u ah Turkiga mashruuciisa gantaallada riddada dheer ee ballistic-ga oo soo socday tan iyo sannadkii 2022, waxaana laga yaaba inuu Turkiga saldhigga u dhiso hab mustaqbal oo dhammaan wax soo saarka warshadihiisa difaaca lagu tijaabiyo, taasi waxay ka dhigaysa aagga saldhigga inuu Turkiga hubiyo xasilloonida amni ee ka jirta si aysan khasaare ula kulmin qalabkiisa iyo injineerada tijaabada sameynaya.

Gobolka Jubbada hoose, oo la filayo inuu saldhigan ka dhisanayo Turkiga, waxaa hadda ku sugan Mareykanka oo saldhig ku leh caasimadda gobolkaas ee Kismaayo, oo sidoo kale caasimad ku meel-gaar ah u ah maamulka Jubbaland ee Soomaaliya. Waxaa loo arkaa in heshiis labo geesood ah uu Turkiga halkaas ku deggayo, markaa oo ay suragal tahay ciidanka Turkiga inay door farsamo siiyaan militariga federaalka iyo ciidanka Jubbaland ee halkaas saldhigyo ay kula dagaallamaan Al-Shabaab ku leh. Ma cadda haddii ay Soomaaliya ka kireyn doonto Turkiga saldhigga uu doonayo, inkastoo warbixinta Bloomberg oo lagu soo bandhigay qorshaha Turkiga aan lagu arag inuu Turkiga kireysan doono, laakin isagoo ka faa’iideysanaya heshiisyada difaac iyo iskaashiga ee uu kula jiro Soomaaliya, waxaa suragal hab aan kiro ahayn inuu saldhiggaa ku helo.

Haddii aad is waydiinaysid Soomaaliya maxay ka faa’iideysaa? Turkiga wuxuu heysta fayl taageerada uu siiyo Soomaaliya oo hadda in muddo ah wuxuu tababar siiya ciidanka kala duwan ee Soomaaliya, sidoo kalena maleh Soomaaliya istiraatijid difaac oo ay uga faa’iideysan karto gantaalada Turkiga, taana waxa ay meesha ka saaraysa in la arki karo wax layaab leh oo ay Soomaaliya soo bandhigayso si ay saldhigan ugu beddelato.

Sannadkii 2017-kii, Turkiga waxa uu Muqdisho ka furay Saldhigga Millatari ee ugu weyn ee uu ku leeyahay dibedda, halkaas oo ay Ciiddanka Turkiga ku tababarayeen Askarta Somalia, taasoo qayb ka ah dadaalka dib loogu dhisayo Ciiddanka Ammaanka Somalia ee dagaalka kula jira Kooxda al shabaab.

Turkiga ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu soo diro markab shidaal baaris ah si uu shidaal iyo gaas uga raadiyo xeebaha Soomaaliya, taasoo muujineysa iskaashi dhaqaale ee qoto dheer.

Xiriirka Ankara iyo Soomaaliya waxa uu ku bilaabmay hindise bini’aadantinimo 2011 markii Erdogan uu booqday magaalada Muqdisho oo ay abaartu ku habsatay.

Aakhirkii waxay u xuubsiibteen iskaashi amni iyo mid ganacsi oo dhamaystiran. Soomaaliya waxay hadda martigelineysaa saldhigga ugu ballaaran ee Turkiga ee dibedda.

Soomaaliya waxay sanado badan la dagaalamaysay ururka Al-Shabaab. Tababarka ciidamada Turkiga ee la siinayo askarta Soomaalida ayaa muhiimad gaar ah u leh dagaalkan, waxaana diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga lagu sameeyo ay si weyn u xoojiyeen guulaha Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada.