Itoobiya oo Magaca & calanka ka bedeleysa Degaanka Soomaalida

0
30

Itoobiya oo Magaca & calanka ka bedeleysa Degaanka Soomaalida

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay go’aamisay in Deegaanka Soomaalida laga beddelo magaca iyo calanka, sidoo kalena laga bilaabo ololeyaal dadka lagaga dhaadhicinayo Itoobiyaanimada.

Xisbiga Barwaaqo ayaa la sheegay in tababar loo qaban doono bisha soo socota, lagu darayo tababarro iyo qorsheyaasha lagu dhalan-geddinayo Deegaanka Soomaalida, waxaanu qorshuhu yahay in la tirtiro dhamaan astaamaha muujinaya Soomaalinimada.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax ayaa lagu wargeliyey arrintan, waxaanay hoggaamin doonaan tababarro iyo barnaamijyo lagu qancinayo dadka iyadoo la adeegsanayo odayaasha dhaqanka.

Wararka ayaa sheegaya in magaca cusub ee Deegaanka Soomaalidu uu noqon doono Deegaanka Bariga Itoobiya, waxaana doodda socota ay tahay sida gobollada Oromiya ee dhinaca bariga laga yeelayo, maadaama ay soo-gelayaan Bariga Itoobiya.

Waxa kale oo Deegaanka Soomaalida si weyn looga xusi doonaa maalinta loo bixiyey “Shuhadada Itoobiya” iyadoo magaalada Jigjiga iyo meelo kale lagu xusi doono Saraakiishii Itoobiya ee ku dhimatay dagaalkii 1977kii ee Soomaalida iyo Itoobiya.

Xogaha ayaa intaa ku daraya, in munaasibado kala duwan oo kale lagu qaban doono Deegaanka Soomaalida, waxaana ka mid noqon doona, Maalintii ay Itoobiya jabisay Soomaalida ee dagaalkii 1977kii, Maalintii ciidamada Soomaalida laga saaray Jigjiga, Maalintii dagaalkii adkaa ee Godey ee Soomaalida iyo Itoobiya iyo munaasabado kale.