Turkiga oo mar kale faahfaahin ka bixiyay goobaha shidaalka ay ka qodayaan ee Soomaaliya

0
44

Turkiga oo mar kale faahfaahin ka bixiyay goobaha shidaalka ay ka qodayaan ee Soomaaliya

Warbaahinta dowladda Turkiga ee TRT ayaa daabacday warbixin ay ku faah faahineyso heshiiska shidaalka ee bishii July ee sannadkan wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiisku ayaa waxa uu Hay’adda Batroolka Turkiga (TPAO) siinaya xuquuq ay ku sahamiso oo ay ku soo saarto saliid iyo gaaska dabiiciga ah, iyada oo ka baareysa dhul badeed dhan 15,000 oo kiilo mitir oo laba jibbaaran.

Howlgalka saliid baarista ah ayaa loo qaybiyay saddex heer oo kala ah: laba u dhow xeebta iyo mid ka sii fog oo ah bariga ah.

Sidoo kale, maraakiibta Turida ayaa weli wada dadaalada ay ku sahminayaan shidaalka tan iyo sannadkii 2020.

Ilaa lix Markab oo loo qorsheeyay in ay ka qeyb qaataan shidaal baarista ayaa qaar kamid ah soo gaareen xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Maraakiibta Fatih, Yavuz, Kanuni, iyo Abdulhamid Han, iyo maraakiibta sahaminta seismic Barbaros Hayrettin Pasa iyo MTA Oruc Reis.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka caalamka ee la tilmaamo in ay ka buuxaan kheyraad kala duwan oo uu ku jiro shidaalka iyo saliida ceyriinka ah.

Dowladda Turkiga ayaana ka mid ah dalalka caalamka ee Soomaaliya ku caawinaya sidii loo soo saari lahaa kheyraadka dalka.