Ruushka oo duqeymo Culus ku dilay dad ay ku jiraan Hooyo iyo Carruurteeda

0
41

Ruushka oo duqeymo Culus ku dilay dad ay ku jiraan Hooyo iyo Carruurteeda

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Ruushka ku beegsadeen magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, halka lagu dhaawacay 60 kale Arbacadi.

Duqa magaalada Lviv Andriy Sadovyi ayaa sheegay in madaafiicda ay burburiyeen in ka badan 5o guri oo ay ku jireen iskuullo iyo guryo ay daganyihiin dadka rayidka ah. Magaaladaan ayaa boqollaal kilomitir ka fog furumaha hore ee dagaalka u dhaxeeya ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka.

Saraakiisha Ukraine waxay sheegeen in dadka lagu dilay duqeynta ay ku jireen qoys ka koobnaa afar xubnood, hooyo iyo saddexdeeda gabdhood, aabaha qoyska ayaa ka badbaaday weerarka.

Russia ayaa xoojiyay duqeymaha cirka ah ee uu ku bartilmaameedsanayo Ukraine, tan iyo marki ay ciidanka Ukraine weerareen gobolka Kusk ee ku yaalla xadka. Weerarkaas oo noqday kii ugu horreeyay oo uu dal shisheeye ku qaado Ruushka wixi ka danbeeyay Dagaalki Labaad ee Dunida.