Khasaare ka dhashay duqeymo ay Israel ka fulisay Daanta Galbeed

0
42

Khasaare ka dhashay duqeymo ay Israel ka fulisay Daanta Galbeed

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo ay saaka militeriga Israel ka fuliyeen Daanta Galbeed ee la heysto.

Shan falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay labo kalena waa lagu dhaawacay weerar cirka ah oo Israa’iil la beegsatay gaari marayay magaalada Tubas ee daanta galbeed.

Sidoo kale, weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay dad kale oo ku sugnaa goobaha ay diyaaradaha Israel duqeynta ka fuliyeen.

Militeriga Israel oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in ay la beegsadeen xubno ka tirsan ururk Xamaas oo watay gaari maraayay magaalada Tubas ee Daanta Galbeed.

Dhinaca kale, waxaa sii kordheysa tirada dhimashada shacabka Falastiin ee Qaza, waxaana ay kor u dhaaftay 40 kun.