Xuutiyiinta oo qirtay iney weerareen Markab Sacuudigu leeyahay

0
35

Xuutiyiinta oo qirtay iney weerareen Markab Sacuudigu leeyahay

Xuutiyiinta Yemen ayaan sheegay inay weerarreen markab uu Sacuudiga leeyahay oo marayey badda cas

Ciidanka Mareykanka ee ku sugan badda cas ayaa sheegeen Xuutiyiinta inay shalay weerar la beegsadeen markabka shidaalka qaada ee Sacuudiga oo lagu magaaco Amjad oo uu ka babanayay calanka boqortootadda Sacuudiga , wuxuuna siday ilaa labo milyan oo fuusto oo saliid cayrin ah.

Warsaxaafadeed uu baahiyay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu sheegay markabka Sacuudiga iyo markab kale oo oo sitay calanka Panama ee Blue Lagoon inay la kulmeen weerarrada Xuutiyiinta oo loo adeegsaday gantaallo ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxay sii wateen safarkooda lamana sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha weerarran ay gaarsiiyeen labada markab.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay sheegay inay weerarreen markabka Sacuudiga, isagoo ku eedeeyey shirkadda iska leh markabkaas iney jebisay amarkii ay soo saareen ee ahaa inaan la tegi karin dekedaha Isreal.