Mareykanka oo dacwado culus kusoo oogay hoggaamiyaha Xamaas

0
24

Mareykanka oo dacwado culus kusoo oogay hoggaamiyaha Xamaas

Dowladda Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogtay hoggaamiyaha cusub ee kooxda Xamaas Yaxya Sinwaar iyo saraakiil lale oo katirsan kooxdaasi oo qaarkood dhinteen, waxaana xubnahan lagu eedeeyay in ay masuul ka ahaayeen weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay gudaha Israa’iil.

Waaxda Caddaaladda ee dowladda Mareykanka, ayaa Yaxya Sinwaar iyo saraakiil kale oo Xamaas katirsan ku eedeysan in iyagu ka dambeeyeen weerarkii Xamaas 7-dii bishii October ee sannadkii hore ku qaadeen waqooyiga Israa’iil, weerarkaasi oo lagu dilay dad ka badan kun qof.

Maxkamad heer federal ah oo ku taalla Mareykanka ayaa madaxda Xamaas ku soo oogtay 7 fal-danbiyeed oo ay ku jiraan shirqoolka ah in taageero agab ah loo fidiyo urur argagixiso shisheeye taasoo keentay dhimasho, shirqool dil muwaadiniin Maraykan ah iyo shirqool lagu maalgelinayo argagixisada.

Waxa sidoo kale maxkamadda Mareykanka ku taalla ku eedeysay dowladda Iran iyo ururka Xisbullaah ee dalka Lubnan in kooxda Xamaas ku taageereen hub iyo dhaqaale kooxdaasi u fududeeyay weerarkii dadka badan ku laayeen ee ka dhacay waqooyiga Israa’iil.

Hoggaamiyaha cusub ee kooxda Xamaas Yaxya Sinwaar, ayaan si rasmi ah loo ogeyn ilaa hadda halka uu ku sugan yahay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in hoggaamiyahan oo Israa’iil si weyn u raadineyso uu ku dhuumanayo surin la isaga duso oo dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla Marinka Gaza.