Dad ka badan 120-qof oo lagu dhax dilay xabsi kuyaalla dal Afrika katirsan

0
35

Dad ka badan 120-qof oo lagu dhax dilay xabsi kuyaalla dal Afrika katirsan

Wasiirka Cadaaladda ee Congada Dimuquraadiga ayaa si kulul cambaareeyay dilal badan oo ka dhacay xabsiga ugu weyn dalkaasi ee Makala, kaa oo la shaaciyay in ay ku dhinteen dad ka badan 129 qof oo maxaabiis xansiga ku jirtay.

Waxa uuna wasiirka dhibaatadan baaxada weyn ee ka dhacday xabsiga ku tilmaamay fal qaran dumis ah oo la sii qorsheeyay, waxa uuna xusay in ay socdaan baaritaan lagu ogaanayo laguna maxkamadeynayo dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Saraakiisha xabsiga ayaa sheegay in 24 maxbuus la toogtay intii xabsiga lagu jiray, qaar kalena ay neef-qabatimeen, waxaa sidoo kale maxaabiis isku dayday in ay baxsadaan ayaa dab qabadsiiyay xabsiga dhexdiisa, kaas oo si degdeg ah ugu faafay gudaha jeelka.

Wasiirka Caddaaladda oo lagu magacaabo Mutamba ayaa joojiyay in maxaabiista laga wareejiyo xabsiga, wuxuuna ballanqaaday inuu sii xoojin doono dadaallada lagu yareynayo ciriiriga badan ee ka jira xabsiyada dalka Comgo oo dhan .

kWaxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday wasiirka in uu qorsheynayo in xabsi cusub laga dhiso meel ka baxsan caasimadda Kinshasa. Xabsiga Makala, oo shilku uu ka dhacay, waxaa la dhisay 1950-meeyadii, waxaana hadda ku jira in ka badan toban kun oo maxbuus, oo aad uga badan intii loogu tala galay.