Congo: In ka badan 129 ruux oo la dilay, xilli ay isku dayeen in ay xabsi ka baxsadaan.

0
32

Congo: In ka badan 129 ruux oo la dilay, xilli ay isku dayeen in ay xabsi ka baxsadaan.

Ugu yaraan 129 qof ayaa la dilay xilli ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan xabsiga dhexe ee Makala oo ku yaalla caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ee Kinshasa.

Wasiirka arimaha gudaha DRC Shabani Lukoo ayaa sheegay in dab uu sidoo kale ka kacay dhismaha maamulka xabsiga, bakhaarada cuntada iyo isbitaal.

Ilaa 59 qof ayaa ku dhaawacmay, ayuu raaciyay.

“Isku daygii baxsadka ahaa ee ka dhacay xabsiga dhexe ee Makala waxaa ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Saraakiisha ilaalada ayaa sheegay inaysan jirin maxaabiis ku guuleysatay inay baxsato, iyagoo intaas ku daray in kuwii isku dayay inay baxsadaan la dilay.

Dawladda ayaa sheegay in ay baareyso dhacdadan.