Ciidamada Soomaaliya iyo Masar oo sameenaya Dhoollatus ka nixinaya Itoobiya

0
33

Ciidamada Soomaaliya iyo Masar oo sameenaya Dhoollatus ka nixinaya Itoobiya

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa go’aan ku gaaray in dhoollatus milateri oo wadajir ah ay ku sameeyaan gudaha Soomaaliya, dhoollatuskaas ayaana u muuqda mid sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanka u sheegeen warbaahinta The National .

Dhoollatuska oo la filayo in la qabto bishan, ayaa waxaa ka qayb qaadan doona ciidamada dhulka, cirka iyo badda, sida laga soo xigtay ilo ammaanka gobolka ah oo ku dhow Qaahira. Si kastaba ha ahaatee way ka gaabsadeen inay shaaciyaan taariikhda bilowga dhoollatuska muddada iyo tirada ciidamada ku lugta leh.

“Dhoollatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo qaylo ah oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Masaarida, waxa uuna raaciyay “Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoollatus dagaal.”

Warka ku saabsan dhoolatuska wadajirka ah ayaa soo baxay maalin un ka dib markii Masar ay sheegtay inay qoraal u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , iyaga oo ashatako ka ahaa n waxa ay u arkaan siyaasadda hal dhinac ee Itoobiya ee ku aaddan biyo xireenka Grand Renaissance Ethiopia (Gerd).

Qaahira ayaa diiday siyaasadda Itoobiya ee ah inay ku sii socoto dhamaystirka dhismaha biyo xireenka iyo buuxinta kaydkeeda iyada oo aan lagala tashan dhinaca Masar, waxa ayna arrintan xoojisay khilaafka ka dhaxeeya labada dal.

Masar iyo Itoobiya ayaa muddo toban sano ka badan ku muransanaa dhismaha biyo-xireenka weyn ee Niil, kaasoo ay Xukuumadda Qaahira sheegtay inuu hoos u dhigayo saamiga muhiimka ah ee ay ku leedahay biyaha Niil.

Warka ku saabsan dhoollatuska milateri ayaa yimid wax ka yar hal toddobaad kaddib markii Masar ay billowday inay ciidammo, hub iyo saanad milateri u soo dirto Soomaaliya sida uu dhigayo heshiiskii iskaashiga milateri ee la saxiixay bishii hore.

Itoobiya ayaa aad uga carootay hesgiiska iskaashi ee dhax maray dowladaha Soomaaliya iyo Masar iyo qorshaha ciidamo ka socda Masar lagu keenayo Soomaaliya, waxa ayna arrimahaasi ku sheegtay in ay khalkhal gelinayso xasilloonida gobolka Geeska Afrika .