Isbaddelka ku yimid Kooxda Inter Miami 2023 iyo 2024

0
50

Isbaddelka ku yimid Kooxda Inter Miami 2023 iyo 2024

Saxaafadda Maraykanka ayaa aad u hadal haysa isbaddelka ku yimid Kooxda Inter Miami oo sanadkii tegay ku dhammeysatay booska 14aad balse haatan hoggaanka ku heysa 8 dhibcood oo nadiif ah iyo awoodda cusub ay kusoo kordhiyeen ciyaartoyda cusub oo uu kamid yahay Lionnnel Messi.

Inter Miami ayaa gacanta ku heysata Ciyaartoy is fahamsan sida afar ciyaaryahan oo waqti iyo waayo kala duwan kusoo wada qaatay Kooxda Kubadda Cagta ee Barcelona kuwaas oo kala ah, Lionnnel Messi, Sergio Busquets, Jordi Alba & Luis Suarez.

Kooxdaan uu dhaqaalaha ugu badan ku leeyahay ciyaaryahan hore David Beckham ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxa ay dul taagnayd boosaska dhexe ilaa kuwa hooseeya waana tan keentay in maamulku uu raadsaday ciyaartoy dhiig cusub gelin kara.

Sanadkii hore waxa ay haysatay xiligaan oo kale 23 dhibcood balse maanta waxa ay leedahay 56 dhibcood waana mid laga arki karo farqiga u dhaxeeya isbaddelka kooxeed ee kusoo kordhay Naadiga Inter Miami sida ka muuqata jaantuska laga sameeyay.