7 qof oo ku geeriyootay Dab ka kacay Hoteel ay degenaayeen oo ku yaalla Kuuriyada Koofureed

0
67

7 qof oo ku geeriyootay Dab ka kacay Hoteel ay degenaayeen oo ku yaalla Kuuriyada Koofureed

Inta la xaqiijiyay 7 qof ayaa geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale kaddib markii uu dab ka kacay Hoteel ay degenaayeen oo ku yaalla Magaalada Bucheon ee Kuuriyada Koofureed waxaana lagu guuleystay in la damiyo.

Ilo kala duwan oo soo xigatay Warbaahinta ayaa sheegay in Dadka dhintay uu saameyn taban ku reebay Dabka oo qaarkood waxyeello daran gaarsiiyay kuwaas oo ugu dambeyn u dhintay dhaawacyada kasoo gaaray.

Mas’uuliyiin katirsan Kooxda Dab-damiska ah ee Kuuriyada Koofureed ayaa Warbaahinta u sheegay in uu dabku xoogganaa, kahor inta aanay goobtu gaarin uu sababay khasaarah dhimasho, dhaawac iyo burburka hanti.

Dadka dhintay waxaa kamid ah labo ruux oo la sheegay in ay iska tuureen (ka boodeen) Dabaqa si ay uga badbaadaan dabka balse naf dhulka lama dhicin maadaama waxyeello daran kasoo gaartay sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Hoteelka waxa uu dhismo ahaan ka koobnaa 9 dabaq (Biyaano) waxaana degenaa dadka ku nool dabaqadda sare Kuuriyada Koofureed, waxaana loo badiyay sababta dabkaas keentay in ay tahay cilad ka timid dhanka Korontada.