Israa’iil oo Xasuuqii ay ka geysatay Iskuulka Al-Tabin u adeegsatay Gantaalka Maraykanka uu siiyay ee GBU-39

0
66

Israa’iil oo Xasuuqii ay ka geysatay Iskuulka Al-Tabin u adeegsatay Gantaalka Maraykanka uu siiyay ee GBU-39

Maraykanka ayaa muujiyay farriin ka tarjumeysa in uu isaga fogeynayo ceebka ka haysata hubkii uu dhowaan ku wareejiyay Israa’iil in ay ku beegsatay Iskuulka lagu magacaabo Al-Tabin ee Magaalada Gaza ku yaalla, inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 100 qof.

Dad badan oo u dhashay Dalka Maraykanka ayaa Su’aalo culus dul-dhigay sababta Washington ay hubka ugu daabuleyso Israa’iil maadaama Dad rayid ah ay ku beegsaneyso, waxa ay usoo jeediyeen maamulka Madaxweyne Joe Biden in uu joojiyo taageerrada Militari ee Yuhuudda.

James Joseph Zogby oo ah aasaasaha ahna madaxa Machadka ka falanqooda Arrimaha Carabta iyo Ameerika ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Magaalada Gaza aanay aqbali Karin qof leh damiir iyo dhiig maadaama aanay Israa’iil u kala soocneen Dadka.

“Maraykanka & Xulufadiisa waa in ay joojiyaan kaalmada Militari ee Israa’iil ay siinayaan waayo waxaa dhibaato xooggan kasoo gaartay Dad rayid ah, Weerarka ka dhacay Iskuulka Al-Tabin waa wax aan la daawan Karin waana in si hoose loo eegaa” James Zogby.

Suxufi katirsan Teleefishinka Maraykanka ee CNN loosoo gaabiyo aya sheegay in Bamba lagu dhuftay Iskuulka uu ahaa noociisu GBU-39 kaas oo lagu farsameeyay Dalkiisa, waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in hubkaas Culus uu kamid ah kuwa ka caaggan goobaha Rayidka.

Cabdibaari Cudwaan oo ah Suxufi & Khabiir waaya-joog u ahaa dagaallada ka dhacay meelo kala duwan ayaa qudhiisa ku sheegay in ay Israa’iil usoo jeesatay in ay isirtir ku sameyso Falastiin marka la eego hubka culus oo ay adeegsaneyso.