Netanyahu oo aqbalay in wadahadalka Xabbad-Joojinta dib loo billaabo 15ka Agoosto 2024

0
57

Netanyahu oo aqbalay in wadahadalka Xabbad-Joojinta dib loo billaabo 15ka Agoosto 2024

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa soosaaray war ku saabsan in uu aqbalay wadahadalka Xabbad-joojinta ee Qatar, Masar & Maraykanka daaha gadaashiis ka maamulayaan kaddib markii xaaladda ka taagan Bariga ay gaartay heer kul sare.

Cadaadis xooggan oo dhanka Maraykanka ka yimid ayaa la sheegay in uu Benjamin Netanyahu ku aqbalay wadahadalkaan lagu dhalinayo Xabbad-joojin maadaama dabka ay ka shidday Bariga uu gilgilay Xulufada Washington sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxa uu culeys ka saaran yahay Gudaha Deegaannada Maamulkiisa sida xoogga ah ku heysto sabab la xiriirta in hub badan uu dhankooda kusoo jeedo isla markaana saacad weliba cabsida kusii kordheyso.

Maxaabiista laga heysto Yuhuudda, weerarrada ay ka geysteen Dalalka Iiraan, Yemen, Lubnaan, Suuriya iyo meelo kale oo Bariga dhexe ah ayaa abuurtay cadaadis darran oo la dulsaaray Ra’iisul Wasaaraha madaxa adag ee Israa’iil.

Netanyahu ayaa ku dhowaad sanad waxa uu xasuuq ka geysanayaa Dhulka Falastiin waxaana dhinacyada iska caabbinta kala soo horjeeda ay sheegeen in dhiig-bax badan uu ku dhacay Askarta iyo Saraakiisha Yuhuudda kuwaas oo isaga baxay Xaafado badan oo Gaza katirsan.