Booliska Austria oo fashiliyay weerar argagixiso

0
54

Booliska Austria oo fashiliyay weerar argagixiso


HomeNEWSBooliska Austria oo fashiliyay weerar argagixiso
NEWS
Booliska Austria oo fashiliyay weerar argagixiso
by Caydiid AliAugust 9, 20240122
SHARE0

Wiil 19 jir ah oo u dhashay Austria kaasi oo loo xiray eed ah in uu doonayay in uu weeraro bandhig faneed ay magaalada Vienna ku qaban lahayd fannaanadda Taylor Swift ayaa si buuxda u qirtay in uu rabay in uu dhiig badan ku daadiyo weerarkaasi, sida uu shir jaraaid ka sheegay agaasimaha hay’adda amniga guud ee Austria Franz Ruf.

Ruf ayaa intaa ku daray in wiilkan dhallinyada ah uu ku dhaartay in uu daacad u yahay hoggaamiyaha kooxda Daacish wuxuuna gurigiisa oo ku yaal magaalada Ternitz ku haystay kiimikooyin, baangado iyo aalado si uu isugu diyaariyo weerarka

Eedeysanaha ayaa qorsheynayay weerar halis ah oo ka dhan ah dad lagu qiyaasay 20,000 oo taageereyaasha fanaannadda Tyler Swift kuwaasi oo lagu waday in ay isugu yimaadaan bannaanka garoonka Ernst Happel ee Vienna, ayuu yiri madaxa sirdoonka qaranka Omar Haijawi-Pirchner.

Labo kale oo dhallinyaro u dhashay Austria oo da’doodu kala tahay 17 iyo 15 ayaa la xidhay Arbacadii sababo la xiriira qorshaha weerarka.

Barracuda Music oo soo qabanqaabisay bandhig faneedka ayaa sheegtay in ay joojisay saddexdii bandhig oo ay Swift ku qaban lahayd Vienna, iyadoo kiiba ay tikidhadiisa iibsadeen ilaa 65 kun oo qof.

Taageerayaasha, oo qaar badan oo ka mid ah ay ka soo safreen meelo ka fog fog Vienna ayaa ka xumaaday baaqashada bandhig faneedka laakin sheegay in fahamsan yihiin sababta loo baajiyay.