Booliiska Kenya oo sheegay in uu baarayo Nin Ciidamada ammaanka ay ku qabteen Bistoolad

0
50

Booliiska Kenya oo sheegay in uu baarayo Nin Ciidamada ammaanka ay ku qabteen Bistoolad

Ciidamada ammaanka Dalka Kenya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Ismaamulka Kilifi gaar ahaan Waddada Old Malindi waxa ay kusoo qabteen Nin Da’diisa lagu sheegay 43 jir isla markaana watay Bistoolad Sharci darro ah.

Booliiska ayaa Magaca Ninkaan ku sheegay Stephen Mutunga Kimeu waxaana ku socda baaris dheeraad ah si loo ogaado halka uu kasoo iibsaday am aka helay Bistooladdaas, Ujeedka uu u qaatay & xogaha kale ee Su’aalaha dulsaaran yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ninkaan uu u Safrayay dhanka Lamu Gobolka Xeebta oo halkaas ay ka jirto halis badan maadaama dhowr jeer xubno katirsan ‘AS’ ay halkaas ku beegsadeen Dad Kenyaanti ah oo Deegaan iyo Socoto isugu jiray.

Waaxda Dambi baarista ee Booliiska Kenya loona soo gaabiyo DCI ayaa ku howlan baarista Stephen Mutunga ee lagu qabtay Bistoolad isaga oo wata waxaana laga sugayaa go’aanka ugu dambeeya ee baaristooda kasoo baxa.