Mbappe & Yamal ma noqon karaan Rag u xifaaltama sidii Ronaldo vs Messi?

0
55

Mbappe & Yamal ma noqon karaan Rag u xifaaltama sidii Ronaldo vs Messi?

Saxaafadda Dalka Spain ayaa durba sii billowday isu ballaminta Labada Ciyaaryahan ee Da’ yarta ah ee Kylian Mbappe & Lamine Yamal oo Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona u kala xireen nambaro dib loogu xusuusanayo Yaraantii Cristiano Ronaldo & Lionnel Messi.

Real Madrid ayaa xiddiga dhowaan ku biiray ee aan xitaa hal kulan u ciyaarin ee Kylian Mbappe siisay nambarka 9aad uu horay usoo xirtay Ciyaaryahanka Diiwaanka u galay ee Cristiano Ronaldo waxaana lagu soo bandhigay hoggaamiyaha Xulka France nambarkaas.

Mbappe oo dadka falanqeeya Cayaaraha fallaarta Mustaqbalka wanaagsan dusha kasii saaraya ayaa u arka in uu saameyn ku yeelan karo Quluubta Ciyaartoyda, Maamulka, Macallinka & Taageerayaasha Kooxda Cad-cadka loo yaqaan ee (Los Blancos).

Marka la maqlo Kooxda Real Madrid waxaa durba kugu soo dhacaysa naadiga ay aadka u xifaaltamaan ee Barcelona oo waayihii dambe ka jajabneen dhinaca Dhaqaalaha oo ma haysan lacag ay kusoo iibsato Ciyaartoyda ay u baahan tahay.

Da’yarkeeda ku guuleystay Euro 2024 Lamine Yamal ayaaba u noqday Xiddig usoo baxay oo xitaa ay raadiyaan Kooxo badan oo damac ka galay in ay iibsadaan Ciyaaryahankaan laga urinayo in uu leeyahay Hibada Kubadda Cagta & Mustaqbal wanaagsan.

Yamal ayaa sanadkaan Kooxda Barcelona waxa ay u xirtay Nambarka 19aad oo lagu xusuusto yaraantii Hoggaamiyaha Xulka Qaranka Argentina Lionnel Messi weliba waqtigaas uu xaday ama uu soo jiitay quluubta Dad badan kubadda Cagta Daneeya.

Xili Ciyaareedka billaabanaya Bisha soo socota ee Agoosto waxa uu billaaban doonnaa iyada oo Kylian Mbappe uu Real Madrid u xiran yahay nambarka 9aad halka Yamine Yamal oo ku dheeli doonno nambarka 19aad oo labada naadi nambaradaas xusuus gaar ah u leh.

Haddaba, Mbappe & Yamal ma noqon karaan Rag u xifaaltama sidii Ronaldo vs Messi?