Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo laga helay xannuunka COVID-19

0
37

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo laga helay xannuunka COVID-19

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laga helay xannuunka COVID-19, isaga oo baajiyay xafladiisa olalaha oo ka dhici laheyd magaalada Las Vegas.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa sheegtay in Biden, laga helay calaamado xanuunka ah, iyada oo tilmaamtay in uu ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaal magaalada Delaware.

Sidoo kale, Karine ayaa sheegtay in Madaxweyna halkaasi uu isku karantiili doono, isla markaasna uu sii wadi doono waajibaadkiisa qaran.

Dr Kevin O’Connor, dhakhtarka madaxweynaha, ayaa qoraal ku sheegay in Biden in ay hadda xaaladiisa caafimaad deggan tahay, ayna la tacaalayaan.

Biden oo 81 jir ah ayaa waxaa la kulmaya cadaadis lagu saarayo inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa dib u doorashada, iyada oo lagu eedeynayo in da’ahaan inuu gaboobay.