Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate oo iscasiley

0
46

Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate oo iscasiley

Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa iscasiley kaddib guuldaradii labaad oo xariir ah ee finalka koobka qaramada Yurub ka soo gaartay todobaadkaan.

Macaliinka Xulka Sadexda libaax ayaa Axadii 2-1 waxaa kaga adkaaday xulka Spain ciyaar ka dhacday magaalada Barlin ee dalka Germany, iyadoo xulka dalka Talyaaniga uu rigoorayaal ku garaacay garoonka Wembley saddex sano ka hor.

53 jirkaan ayaa dalkiisa usoo maamulay 102 ciyaarood muddo siddeed sano ah oo uu maamulayey xulka Qaranka ee Ingriiska, xilli uu qorshaha ahaa in uu Qandaraaskiisa dhaco dabayaaqada sanadkaan 2024.

Gareth Southgate oo iscasilaaddiisa kaddib la hadlay warbaahinta dalka Ingriiska ayaa yiri, “Anigoo ah nin Ingiriis ah waxay ii ahayd sharaf nolosheyda in aan maamulo England.”

Sidoo kale Macallinka ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Wax walba ayay igala macno tahay aniguna waxaa siiyay wax walba, lakiin waa waqtigii isbeddelka iyo cutub cusub,” sida uu yiri Macallinka xulka Qaranka ee Ingriiska.

Madaxa fulinta ee xiriirka kubbada cagta ayaa sheegay in hawsha magacaabista qofka baladalaya Southgate uu bilaabmey, “Waxa aanu hiigsanaynaa in aanu sida ugu dhakhsaha badan u xaqiijino maamulahayada cusub,” sida uu yiri Madaxa fulinta ee xiriirka kubbada cagta.