Muran ka dhashay amar la duldhigay Ganacsatada Dawada ee Somaliland

0
54

Muran ka dhashay amar la duldhigay Ganacsatada Dawada ee Somaliland

Hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland ayaa muddo 45 cisho ah oo maanta ka billaabanaysa u qabatay Ganacsatada Dawada in ay kusoo raraan Kunteenarada leh Qaboojiyaha si aanay isu baddelin Waxtarta ay u leedahay qofka isticmaalaya.

Warka Hay’addaan ayaa lagu sheegay in Ganacsadihii aanay fulin amarkaan in la ciqaabi doonna lagana joojin doonno ruqsadda ama fasaxa uu ka haysto Maamulka Somaliland ee awoodda u siinaya in uu Dawo soo dejiyo.

Ganacsatada ayaa meesha ka saaray eedeynta la xiriirta in Dawada Daawooyinka ay meesha ka saartay xafidaad la’aanta sida in Qaboojiye lagu hayo iyaga oo sheegay in ay ka fajiyeen kana taxadareen arrintaas sida ay ku doodeen.

Dad badan ayaa cabasho ka keenay awoodda Dawooyinka iyaga oo soo jeediyay in la sameeyo baaritaan dhammeystiran sida in la hubiyo waxtarkeeda taasina ay tahay mid ay gabtay Hay’adda Dhowrista Tayada sida ay hadalka u dhigeen.