Kampala 2010 & Muqdisho 2024, Goobo lagu Daawanayay Ciyaar Fiinaal ah oo Spain Dheeleysay oo Qaraxyo ka dhaceen

0
47

Kampala 2010 & Muqdisho 2024, Goobo lagu Daawanayay Ciyaar Fiinaal ah oo Spain Dheeleysay oo Qaraxyo ka dhaceen

Qaraxii xalay ka dhacay Goob lagu Daawanayay Ciyaartii Fiinaalka ee Yuuro 2024 ayaa Dadka dib usoo xusuusiyay kulan ciyaareed sidaan oo kale Isla Xulkii xalay kasoo horjeeday Ingiriiska uu sanadkii 2010 iyada oo la Daawanayay uu qarax xooggan ka dhacay Dalka Uganda gaar ahaan Magaalada Kampala.

Xulka Spain ayaa xiligaas waxa uu Ciyaarta kama dambeysta Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Dalka Koofur Afrika uga adkaaday dhiggiisa Netherlands balse Dad ku daawanayay Goob kamid ah meelaha Ciyaaraha lagu Daawado ee Kampala waxa ay dhibaato kala kulmeen Qarax marqura gilgilay.

Qaraxii ka dhacay Kampala sanadkii 2010 waxaa ku dhintay 74 ruux halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 85 kale, balse Qaraxa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxa uu Booliisku si hordhac u sheegay in ay ku geeriyoodeen 5 qof halka ay dhaawacmeen ku dhowaad 20 ruux inkasta oo Khasaaraha uu intaas ka badan karo.

14 sano kaddib, Qarax Xooggan oo Dhimasho, Dhaawac & Burbur hanti dhaliyay ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho weliba iyada oo Dadka dhintay, kuwa dhaawacmay inta ka badbaaday ay ku mashquulsanaayeen Daawashada kulan ciyaareedkaan Fiinaalka ahaa ee Spain kahortagtay Dhiggeeda England.

Inkasta oo Dhimashada laga diiwaangeliyay labada dhinac ay kala badan yihiin balse waxaa isku bil kusoo beegmay Spain oo dheeleysa Ciyaar Fiinaal ah, Guuleysatay, Bishu July tahay isla markaana waqtiga qaraxa uu dhacayay ay ahayd Ciyaarta oo socota sidoo kalena Xamaasad gaar ah leh maadaama barbaro labada kulan ahaayeen labaad Xili.