Booliiska Soomaaliya oo Faah-faahin hordhac ah ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

0
37

Booliiska Soomaaliya oo Faah-faahin hordhac ah ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

War Hordhac ah oo kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay Maqaaxi ku taalla Agagaarka Daljirka Daahsoon Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Booliiska ayaa Warbixintiisa hordhaca ah ku sheegay in Dadka dhintay ay gaarayaan 5 ruux halka ay dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale waxaana gubtay Goobo Ganacsi & Gaadiid ka dhawaa goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka ay ku howlan yihiin baaritaanno dheeraad ah si ay u ogaadaan khasaaraha intaas ka badan ee ka dhashay Qaraxa.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay oo ah Maqaaxi inta badan Waqti ku qaataan Dad u badan Dhallinyaro waxaa Xiligaas Dadkii joogay qaarkood ku mashquulsanaayeen Daawashada Ciyaarta kama dambeysta ah ee Euro 2024 oo xalay is wajahayeen Spain vs England.

Dad waayay xubno kamid ah Ehelkooda ayaa Goobta Qaraxa uu ka dhacay & Xarumaha Caafimaadka ka baadigoobaya Dadkooda waxaana dhanka kale socda baaris ay wadaan Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka.

La soco wixii kasoo kordha