Madaxweynaha Kenya oo kala diray Golahiisa Wasiirada

0
37

Madaxweynaha Kenya oo kala diray Golahiisa Wasiirada

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa kala diray golahiisa wasiirada, ka dib bannaanbaxyo rabsho wadata oo toddobaadyo ka dhacay dalkaasi.

Madaxweynaha oo shir’jariid qabtay ayaa sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas, wuxuuna sheegay in wasaaradaha ay maamuli doonaan xoghayahooda joogtada ah.

Ruto ayaa sheegay in tallaabadan uu qaaday ka dib markii uu dhageystay shacabka, isla markaana uu la tashi ka dib soo dhisi doono dowlad sal ballaaran.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka socday saddex toddobaad oo rabshado ah oo ay dibad-baxayaal gudaha u galeen baarlamaanka 25-kii June kaddib markii la ansixiyay sharciga maaliyadda oo canshuur kordhin lagu sameeyay.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyada, kuwaasoo ka dhashay baaqyo loogu baaqayay madaxweynaha inuu is casilo.