Xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska oo guul muhiim ah ka gaaray Doorashada Dalkaas ka dhacday

0
56

Xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska oo guul muhiim ah ka gaaray Doorashada Dalkaas ka dhacday

Natiijo lama filaan ah ayaa kasoo baxday Doorashadii guud ee Dalka Ingiriiska ee la shaaciyay natiijadii kasoo baxday kaddib markii Xisbiga Mucaaradka ah ee Shaqaalaha uu ka guulaystay dhiggiisa talada hayay 14kii sano lasoo dhaafay.

Doorashada ka dhacday Dalka Ingiriiska ayaa han jabisay Xisbiga Muxaafidka ah oo sanadihii lasoo dhaafay la daalaa-dhacayay caqabado kala duwan oo ugu dambeyn sababtay in uu kursiga banneeyo isla markaana markale uu soo galo dedaal cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Soo socda ee Ingiriiska waa Sir Keir Starmer oo helay codadkii ugu badnaa ee Golaha Baarlamaanka Dalkaas taasi oo ah 370 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Baarlamaanka UK ee la yiraahdo ‘House of Commons’.

61-sano jirkaan hoggaamin doonna Ingiriiska ayaa kamid ahaa u doodayaasha xuquuqda Aadanaha waxaana uu waaya-arag u yahay dhibaatooyinka dhinacyada kala duwan ee haysta dalkiisa sida ay ku doodeen dadka falanqeeya Siyaasadda.

Starmer waxa uu kamid ahaa xubnaha sida wayn u diidanaa tallaabadii Xisbiga Muxaafidka ah uu Ingiriiska uga saaray Midowga Yurub taasi oo keentay hoos u dhac weyn oo sababtay in Sumcaddii Britain ay ku lahayd dunida inteeda kale.

Xisbiga laga guulaystay ayaa muddo 14-sano ah uu hoggaanka u hayay Dalka Ingiriiska waxaa soo maray 5 Ra’iisul Wasaare oo intooda badan ku baxay waji-gabax & fadeexado kala duwan waana mid kamid ah sababaha qiilka looga dhigay in uu kalsoonida dhumiyay.