Spain vs Germany iyo Portugal vs France

0
80

Spain vs Germany iyo Portugal vs France

Labo kulan oo adag ayaa caawa dhexmaraya afar xul oo magac iyo saameyn ku leh kubadda Cagta waxaana ay ku jiraan Liiska Dalalka loogu saadaalinta badan yahay hanashada Koobka Yuuro 2024 ee sanadkaan Dalka Jarmalka lagu qabanayo.

Xulka Qaranka Spain oo inta badan u ciyaarayaan Da’ yar ayaa kahortagaya martigeliyaha koobka Euro 2024 ee Germany waana kulanka ugu adag ee indhaha lala raacayo maadaama labadaan Xul goolal badan ay horay usoo dhaliyeen billowgii tartankaan.

Spain vs Germany oo ku tashanaya xulkii soo gudba in uu kahortagi doonna Portugal vs France ayaa xoogga saari doonna Xul weliba in uu jaalkiisa kusoo afjaro 90ka daqiiqo ee sharciga ah si aanay u daalin ciyaartoyada haddii aado waqti dheeraad ah.

Labadaan kulankaan waxaa loo dhiibay labo Garsoore oo dhalasho wadaag ah oo uwada dhashay Dalka Ingiriiska waana Antony Taylor & Michael Oliver waxaana indhaha lala raacayaa sida ay u xakameeyaan kulamadaan xamaasadda wata.

Macallimiinta Xulalka Spain, Germany, Portugal & France oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhan weliba waxa uu sheegay in uu gacmaha ku adkeyn doonno sidii uu guusha muhiimka ah u gaari lahaa inkasta oo dhinac weliba uu qiray in uu culeys wajahayo.

La soco natiijada kasoo baxda