Ciidanka Israaiil oo isku hareereeyay Isbitaalka Magaalada Jeniin

0
64

Ciidanka Israaiil oo isku hareereeyay Isbitaalka Magaalada Jeniin

Ciidanka Israaiil ayaa isku hareereeyay Isbitaalka Jeniin ee Daanta-Galbeed waxaana tallaabadaas ka dhashay cabsi & welwel xooggan ay muujinayaan Bukaannada, Dhaqaatiirta & Dadka ehelkooda ku haya Isbitaalkaas.

Dadkaan oo maanka ku haya dhibaatooyinka ay ciidanka Yuhuudda ka geysteen dhowr Isbitaal oo ku kala yaalla Gaza, Khaan-Yuunis, Rafax & meelo kale waxa ay taasi sababtay in Dadka ku sugan Isbitaalka Jeniin ay cabsi muujiyaan.

Ciidanka Israaiil ayaa Bishii Febaraayo sanadkaan 2024 waxa ay gudaha Isbitaalkaan Jeniin ka fuliyeen weerar Askartii fulisay ay soo xirteen dharka dhaqaatiirta kaddibna ay halkaas ku dileen bukaanno dhaawac ahaa oo lagu daweynayay.

Yuhuudda ayaa si toos ah u beegsata Goobaha Bulshada muhiimka u ah sida Isbitaallada iyada oo halkaas ka joojisa daryeelka Caafimaad ee loo fidinayo Dadka rayidka ah oo horay ugu soo dhawaceen weerarrada ay gaysteen.

Qaramada Midoobay & Hay’adaha sheegta in ay u doodaan xuquuqda Aadanaha ayaa dhowr jeer cambaareeyay ficilka Israaiil balse ma qaadin tallaab lamid ah kuwii ay horay uga qaadeen waddamada qaar oo dacwado ka gudbiyeen madaxda dalalkaas.

La soco wixii kasoo kordha