Shacabka UK oo maanta u dareeray doorashada baarlamaanka

0
63

Waxaa si rasmi ah u furmay goobaha codbixinta doorashada baarlamaaniga ee dalka Ingiriiska oo ku loolamayaan xisbiyada wadankaasi.

In ka badan 46 Milyan oo shacabka UK ayaa la filayaa in ay ka coddeeyaan 40,000 oo ah goobaha codbixin oo ku kala baahsan England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland.

Dhammaan goobahaasi ayaa waxaa laga soo dooranaya 650 xildhibaan, isla markaasna uu xilka ra’iisul wasaaraha ku guulleysan doono xisbigii hela in ka badan 326 xildhibaan.

Xog uruurin la sameeyay ayaa tilmaameysa in Xisbiga mucaaradka ah ee shaqaalaha ugu cadcadyahay in uu xukunka ku guuleysto, isla markaasna uu soo afjaro 14 sano oo xukunka ay hayeen xisbiga muxaafidka ah (Conservative).