Netanyahu oo ku adkaystay sii wadista Dagaalka Gaza

0
45

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa ku adkaystay in uu sii soconayo howlgalka uu ku dhawaaqay ee Magaalada Gaza kaddib markii uu bixiyay Wareysi uu uga xog-warramay qorshaha Xukuumaddiisa ee Dagaallada socda.

Benjamin Netanyahu ayaa isku qanciyay in dagaalka uu yahay gaba-gabo sidaas awgeed duullaankooda Magaalada Gaza uu sii socon doonno ilaa inta ay ka qabsanayaan guud ahaan Magaaladaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Netanyahu oo indhaha ka qabsanaya culayska furimaha dagaalka ka haysta iyo cadaadiska uga imaanaya qoysaska ciidamada dagaallada ku jira, kuwa la heysto ee maxaabiis ah & kuwa haatan la qorsheynayo ayaa ku adkaystay sii socoshada colaadda Magaaladaas.

Waxa uu qiray in Saraakiil iyo Askar muhiim ah looga dilay dagaallada socda, dibadbaxyadu kusii kordheen, xubno katirsan Wasiirrada Dagaalka Iscasileen iyo cadaadiska kale ee caalamiga ee maamulka siisan oo kusii kordhay.