Maxkamadda Sare ee Islamabad oo laashay xukun lagu riday Imran Khan

0
34

Maxkamadda sare ee Islamabad ayaa go’aan cad ku laashay xukun lagu riday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Pakistan Imran Khan iyo Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda Shah Mahmood Qureshi sida lagu sheegay war kasoo baxay Maxkamaddaas.

Khan & Qureshi ayaa loo haystay in ay bannaanka keeneen sirta qaranka taas oo keentay in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Pakistan laga reebo doorashada Dalkaas isla markaana xabsi la dhigo si uu u maro ciqaabta ku xusan kiiskaas.

Maxkamadda Hoose ee Islamabad ayaa bishii Janaayo 2024 waxa ay labadaan Mas’uul ku xukuntay mid 10 sano oo xabsi ah maadaama ay ku doodday in ay ku heshay kiiska lagu soo eedeeyay Imran Khan iyo Shah Mahmood Qureshi.

Labadaan Mas’uul ayaa horay u beeniyay eedaha loo jeediyay waxaana ay ku tilmaameen kuwo la doonayo in lagu sumac dilo loogana reebo doorashada uu ugu cadcadaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan.

Taageerayaasha Khan ayaa dhowr jeer waxa ay sameeyeen dibadbaxyo xooggan oo ay uga dhiidhinayaan xarigga iyo xukunka ku dhacay balse waxa ay haatan isla dhexmarayaan in ay caddaaladdu guulaysatay oo Maxkamadda sare Islamabad ay waxba kama jiraan ka dhigtay xukunkii hore.