Baadi-goobka Dad lagu waayay Dhul-gariirka Morooko ku dhuftay oo ka socda Dalkaas.

0
84

Baadi-goobka Dad lagu waayay Dhul-gariirka Morooko ku dhuftay oo ka socda Dalkaas.

Kooxaha Gurmadka ayaa baadi-goob kawada dhismaha ku dumay dhul-gariirka ku dhuftay Dalka Morooko oo weli uu jiro shaki la xiriira in ay dad ku hoos jiraan sida ay sheegeen dhaqaatiirta aan xuduudda lahlayn ee MSF.

Waxaa la adeegsanayaa agabka codka meelaha dheer kasoo gudbin kara si loo raadiyo jabaqda ama dhawaqa la raad-raaci karo si looga daba-tago dad Nolol ama geeri toona lagu heyn oo diiwaankooda loo gudbiyay.

Dhul-gariirka ku dhuftay Dalka Morooko ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika waxaa ku dhintay ugu yaraan 2,122 ruux halka la daweynayo 2,400 qof oo intooda badan jab kasoo gaaray dhismaha ku dumay ee dhul-gariirku dhulka dhigay.

Waxaa burburay dhismo badan oo ku fadhiyay dhul-baaxad weyn, Waddooyinkii ayaa go’ay, waxaana muuqaallo & sawirro meel laga qaaday ay muujinayaan dhaawac weyn oo gaaray Magaaladaas Buuruhu ku hareereysan yihiin.

Dalalka Spain, Qatar, Boqortooyada Britain & Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa axaddii garab istaag u muujiyay Dalka Morocco si loo badbaadiyo dadka dhaawaca ah ee u baahan daryeelka caafimaad si ay u helaan dhaqaatiir ku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here