Dhaqaatiir dil & dhaawac loogu geystay xarun Caafimaad oo ku taalla Gaalkacyo

0
95

Dhaqaatiir dil & dhaawac loogu geystay xarun Caafimaad oo ku taalla Gaalkacyo

Rag hubeysan ayaa Caawa dil iyo dhaawac u geystay dhaqaatiir ku sugneyd xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Gaalkacyo

Dr. Sakariye Cabdi Jaamac ayaa la dilay Sidoo kale waxaa la dhaawacay gabar la shaqaynaysay ka dib markii rag hubeysan ay ugu galeen xarunta ay ka shaqeynayeen ee Al Xaramayn Pharmacy and Super Market.

Wararka ayaa sheegaya in ragga hubeysan ee weerarka geystay ay ka baxsadeen goobtaas.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkan inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu salka ku hayo aano qabiil oo u dhexeysa labo beelood.

Marxuum Dr. Sakariye Cabdi Jaamac ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilka loo geystay si weyn uga argagaxay shacabka magaalada Gaalkacyo.

Ma jiro ilaa War ka soo baxay laamaha amaanka labada maamul ee ka jira magaalada Gaalkacyo, iyadoo dilkan uu ku soo beegmay xili sanadihii u dambeeyey ay magaaladaas ka nasatay dagaalo iyo dilal muddo badan ka socday ka dib heshiisyo ay gaareen beelaha iyo maamulada labada qeybood ee magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here