Sacuudiga oo sheegay in uu qabtay 30 tan oo Qaad ah.

0
128

Sacuudiga oo sheegay in uu qabtay 30 tan oo Qaad ah.

War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in ciidamada ammanka gaar ahaan kuwa u tababaran la dagaalanka walxaha maanka dooriya ay gacanta ku dhigeen 30 tan oo qaad ah si gaar ah nooca yaryar.

Bayaan kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay sameeyeen howlgal qorsheysan oo ugu dambeyn u suuragashay in ay qabtaan qaadkaan balse ma shaacin dadka lagu qabtay iyo dhalashadooda.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee loosoo gaashiyo SPA ayaa sheegtay in qaadkaan lagu qabtay Koofurta Dalkaas una dhow Soohdinta Yemen, iyo dhinaca Waqooyi ee Urdon balse ma bixin faah-faahin intaas ka badan.

Howlgalka waxa uu dhacay 3dii ilaa 24kii December 2022, waxaa halkaas ka muuqda in marar kala duwan la qabtay qaadkaan gaaraya 30ka tan, ilo kale ayaa sheegay in la xiray 360 ruux oo ah mukhalasiin (Dadka xuduudda ka gudbiya dadka aan sharciga heysan).

Waxa ay Dadkaas u badan yihiin Yemeniyiin & Itoobiya, waxaana ku jira Soomaali aan badneen oo lacago ka qaata dadka u socda Boqortooyada Sacuudiga ee Tahriibka ku gala sida ay sheegeen ilo kale oo ku dhow howlgalkaan.

Sarkaal katirsan Ciidamada ammaanka Sacuudiga ayaa sheegay in inta badan dadka qaadka gudbiya ay yihiin Ajaanib u kala dhalatay Yemen, Itoobiya & Soomaaliya balse marka la qabto ciqaab adag la marsiiyo.

Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Sacuudiga ee Waardiyaha ka haya Soohdinta Dalkaas uu la wadaago Yemen ayaa todobaadyadii u dambeeyay duqeyn ku beegsanayay Tahriibayaasha ka gudbaya Xuduudda, halka mararka qaar ay toostaan dadka ka tallaabaya Dhulka Buuraha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here