Ruushka Oo Wada Qorshe Halis Ku Magaalada Caasimadda U Ah Ukraine Ee Kyiv

0
376

Ruushka Oo Wada Qorshe Halis Ku Magaalada Caasimadda U Ah Ukraine Ee Kyiv

Duqa caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa ka codsaday dadka deegaanka inay u diyaar garoobaan sidii ay uga bixi lahaayeen haddii ay guud ahaan korantadu ka go’do magaalada.

Vitali Klitschko ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay sameeyeen wax kasta oo suurtagal ah si ay magaalada uga dhigaan koronto, biyo iyo dirimaad la’aan, isagoo sheegay in Ruushku uu doonayo in dhammaan dadka halkaa ku sugani dhintaan.

Qiyaasaha ayaa sheegaya in boqolkiiba afartan nidaamka tamarta ee Ukraine uu dhaawacmay ama lagu burburiyay weerarrada Ruushka ee lagu beegsanayo kaabayaasha muhiimka ah.

Maayarka ayaa ku boorriyay saddexda milyan ee reer Kyiv eek u haray magaalada in ay sameeyaan qorshayaal degdeg ah oo ay ugu guurayaan agagaaraha, ama ay aad uga fogaadaan qaraabada iyo asxaabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here