Mareykanka Oo Walaac Xooggan Ka Muujiyey Gantaal Cusub Oo Ay Tijaabisay Iiraan

0
241

Mareykanka Oo Walaac Xooggan Ka Muujiyey Gantaal Cusub Oo Ay Tijaabisay Iiraan

Mareykanka ayaa sheegay in tallaabada ay ku tijaabisay gantaal cusub oo siday dayax gacmeed sabtidii uu ahaa mid walaac xoogan dhalin kara.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in tijaabadaasi ay ka hor timid go’aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Iran looga codsaday in aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo la xiriira gantaallada balaastiga ah ee awoodda u leh in ay xambaaraan madaxyada Niyukleerka.

Ciidamada kacaanka ee Iran ayaa sheegay in gantaalka uu isgaarsiinta satellite-ka gaarsiin doono meel 500,000 u jirta dhulka.

Waxaa haatan hakad ku jira wadahadalladii looga gollahaa in dib loogu soo celiyo heshiiskii dhexmaray Iran iyo quwadaha caalamka kasoo looga hortagayay xoojinta barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, arrintan oo horseedi karta in Iran laga fududeeyo cunqabateynta saaran Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here