Dagaal Xooggan Oo Ka Socda Mid Kamid Ah Magaalooyinka Ugu Waaweyn Itoobiya

0
198

Dagaal Xooggan Oo Ka Socda Mid Kamid Ah Magaalooyinka Ugu Waaweyn Itoobiya

Dagaal xoogan ayaa ka socdaa Nekemte oo ah mid kamid magaalooyinka ah ugu waaweyn gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, sida ay ilo wareedyo ku sugan magaalada ay BBC-da xaqiijiyeen.

Kooxo hubeysan oo ka tirsan ciidamada xoreynta Oromadaee OLF ayaa gudaha u galay magaalada, waxayna rasaas ku fureen ciidamada ammaanka ee dowladda, sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

“Subaxnimadii ee saaka , magaalada ayay gudaha usoo galeen, rasaas xooggan ayaa laga maqlayay bartamaha magalaada” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Wararka waxay sheegayaan in rasaasta ay ka dhaceysay meel saldhig militeri oo ku yaalla halkaas.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin arrintani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here