Al-Shabaab Oo Weerar Ku Dilay Askar Ka Tirsan Dowladda Iyo Faah Faahin Laga Helay

0
287

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Dilay Askar Ka Tirsan Dowladda Iyo Faah Faahin Laga Helay

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Askar ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa beer ku taalla duleedka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Askarta lagu qaaday weerar kedis ah oo khasaaro kasoo gaaray Askarta la beegsaday, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen saddex Askari oo goobta joogay, kuwaasi oo kamid ahaa Ciidanka dowladda Federaalka.
Ciidamo ayaa tagay halka uu weerarka ka dhacay, kana qaaday meydadka Askarta, isla markaana sidoo kale duleedka Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ka sameeyay howlgalo lagu raadinayey xubnihii weerarkaas ka dambeeyay.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan ayaa waxaa ay weeraro ay ku dileen Askar ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland, kana geysatay degaano kamid ah Gobolka Gedo, sidoo kalena weerartay Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla Gobolka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here