Hindiya Oo Samaysatay Gantaal Walwal Badan Ku Abuuray Dalka Ay Jaarka Yihiin Ee Pakistan

0
190

Hindiya Oo Samaysatay Gantaal Walwal Badan Ku Abuuray Dalka Ay Jaarka Yihiin Ee Pakistan

Hindiya ayaa tijaabisay gantaal nooca gantaalada kale ka hortagi kara h oo awood u leh inuu burburiyo gantaalada Nukliyeerka iyo diyaaradaha dagaalka ee hawada ku jira. Gantaalkan difaaca waxaa sameeyay shirkad fadhigeedu yahay Hindiya. Tijaabadan ayaa laga soo ganay shaybaarka gantaalaha oo ku yaalla jasiirad badda Orissa waxayna saraakiishu ku tilmaameen “tijaabo lagu guul guuleystay” Gantaalkan waxaa loo bixiyay magaca ‘AD-1’.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda gaashaandhiga ayaa lagu sheegay inay ku guuleysatay tijaabinta gantaalaha AD-1 ee gantaalada kale ka hortagay.

Gantaalkan ayaa waxaa wada matoor adag oo laba qeyb ah, waxaana lagu rakibay nidaam kontorool oo horumarsan oo ay samaysay Hindiya, waxaa uuna leeyahay qalab ku haga bartilmaameedka saxda ah, sida lagu sheegay bayaanka. Wasiirka gaashaandhiga Hindiya, Rajnath Singh ayaa tijaabada ka dib sheegay in gantaalkan ah nooca gantaalada kale lagu soo rido lagu rakibay qalab casri ah oo cusub oo ay haystaan oo kali ah dalal yar.

Gantaalkan ayaa loogu talagalay in lagu burburiyo gantaallada Nukliyeerka ah iyo diyaaradaha dagaalka ee uu joogooda dhulka u jiro 80-100 km.

Maxaa imika la gudboon Pakistaan?
Wararka qaar ayaa sheegaya in waqti xaadirkan ay dowladdu Hindiya ka dheeraanayso qorshaha in gantaalkan lagu rakibo saldhig kasta oo weyn.

Mid ka mid ah sababaha aya lagu sheegay qarashka ku baxaya oo aad u badan.

Waxa kale oo suurtogal ah in sababta aysan dowldda Hindiya u doonayn in ay gantaaladani ay ugu rikibto saldhigyada waawayn ay tahay inay ka baqayso falcelinta ka iman karta Pakistan oo isku dayi karta inay dhisto banbaanooyiin badan oo Niyukleer ah. Rahul Bedi oo ah khabiir falanqeeyaha arrimaha difaaca ayaa BBC-da u sheegay in diyaar garowgu uu socday muddo dheer, balse gabagabeynta uu dib u dhacay sababo la xiriira cilad farsamo iyo culeys dhanka qarashka ah. Sida uu dhigayo qorshaha Wajiga kowaad, gantaalada ballistic-ga ah ayay ahayd in la dhiso si ay Hindiya awood ugu yeelato burburinta gantaalada cadawga ee hawada ku jira masaafo dhan 2000 km. Bahul Bedi ayaa sheegay markii gantaaladani la hormarinayay ay dowladda Hindiya maskaxda ku haysa Pakistan iyo Shiinaha.

Hindiya waa dalka kaliya ee aduunka oo ay ku hareeraysan yihiin laba wadan oo ka soo horjeeda kuwaas oo ku hubeysan hubka Nukliyeerka.
Tiknoolajiyada Hindiya Rahul Bedi waxa uu sheegay in Tignoolajiyada Gantaalkan lagu dhisay ay Hindiya leedahay islamarkana uusn dal kale la wadaagin.

Hindiya waxay samaysay gantaallo badan oo tignoolajiyadeeda ay ku dhistay. Ka dib tijaabada gantaalkan cusub, tartanka gantaalada ayaa ka bilaabmi doona dalalka gobolka .

Pakistan iyo Shiinaha ayaa sidoo kale isku dayi doona inay ka hortagaan gantaalladan oo ay farsameystaan gantaalo loo dhisay qaab aan laga hortagi karin.

Wadamada sida Mareykanka, Israel, Ruushka iyo Shiinaha oo kali ah ay leh tignoolajiyada lagu burburiyo gantaalada nukliyeerka iyo diyaaradaha dagaalka.

Waxaa xusid mudan in Hindiya ay dhawaan sheegtay in ciidamadeeda ay haystaan gantaalada S-400 ee uu Ruushka farsameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here