Ciidamada Pakistan Oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday Imran Khan

0
170

Ciidamada Pakistan Oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday Imran Khan

Ciidanka Pakistan ayaa bayaan ay soo saareen “si weyn ugu cambaareeyeey” weerarkii lagu qaaday Guddoomiyaha xisbiga PTI iyo ra’iisal wasaarihii hore Pakistan Imran Khan maalintii Khamiista.

Hadalkan ayaa imaanaya ka dib markii xoghayaha guud ee xisbiga PTI Asad Umar, uu eedeymo culus u jeediyay ciidamada dowladda Pakiskan.

Asad Umar ayaa sheegay in Imran Khan, oo hadda lagu daweynayo Isbitaalka Shauk Khanum, uu tuhunsan yahay in ra’iisal wasaare Shahbaz Sharif, Wasiirka Arrimaha Gudaha Rana Sanaullah iyo sarkaal sare oo ka tirsan militariga ay ka dambeeyeen weerarka lagu bartilmaamsaday.

Si kastaba ha ahaatee, bayaan ay soo saareen ciidamada, ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday Imran Khan.

Xiriirka Dadweynaha ee Pakistan (ISPR) ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen inay Alle uga baryayaan inuu caafimaad degdeg ah siiyo guddoomiyaha PTI iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here