Al-Shabaab Oo Qarax Ku Dishay In Ka Badan 10 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka DANAB

0
304

Al-Shabaab Oo Qarax Ku Dishay In Ka Badan 10 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka DANAB

Radio Dalsan FM 91.5 MHz | Warar Sugan | Somalia News
HomeWarar
Al-Shabaab Oo Qarax Ku Dishay In Ka Badan 10 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka DANAB
On Jun 9, 2022 Last updated Jun 9, 2022

Share
Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kummaandoos DANAB oo ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qarax xoogan lagula beegsaday duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga meelaha fog-fog ayaa waxaa uu qabsaday gaari kamid ah kolonyada oo noociisu ahaa midka ay Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha oo ay saarnaayeen Ciidanka DANAB, kuwaasi oo kusii jeeday Magaalada Jowhar.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa uu ka dhashay khasaaro badan oo gaaray Ciidanka la qarxiyey, waxaana la sheegay inay qaraxa ku dhinteen in ka badan 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka DANAB, isla markaan saarnaa gaariga uu qaraxa miinada haleelay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in qarax aad u xoogan la beegsadeen kolonyo ay wateen Ciidamo DANAB ah oo ka baxay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii hore gaaray Balcad, kana sii baxaya, balse lagu qarxiyey duleedka degmadaas , iyaga oo kusii jeeday Magaalada Jowhar.

Shabaabka ayaa intaas kusii dartay inay qaraxa ku dileen 15 Askari oo kamid ah Ciidamada DANAB ee dowladda Federaalka, isla markaana qaraxa uu burburay gaari Tikniko oo ay saarnaayeen Ciidamada la qarxiyey, sida lagu arkay Sawirro ay Al-shabaab soo bandhigeen.

Illaa iyo ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa DANAB oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee Al-shabaab ka beegsatay Ciidamada. Qraxayo sababay khasaaro kala duwan ayaa horey Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM loogula eegtay wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo Balcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here