Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Deegaanka Ay Beeluhu Ku Dagaalameen Ee Gobolka Sool

0
483

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Deegaanka Ay Beeluhu Ku Dagaalameen Ee Gobolka Sool

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa tuulada Saax-maygaag halkaas oo shalay dagaal culus uu ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo degaankaasi wada dega.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday 13 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah waxaana ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 20 ruux, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka.

Dagaalka labada maleeshiyo Beeleed ayaa salka ku haaya dhul kuyaal degaanka oo ay isku qabsadeen, waxaana Isbitaalka Magaalada Boocame ee Gobolka Sool la geeyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas.

Mas’uuliyiinta Sar sare ee Maamulka Puntland iyo Isimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray dagaalka, iyaga oo dalbaday in si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan.

Dadka tuulada Saax-maygaag ayaa sheegay inay weli cabsi ballaaran ay kajirto degaanka maadaama ay weli halkaasi isku hor-fadhoyaan dhomacyadii dagaalamay, isla markaana markasta la filan karo inay dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here