Dab Ka Kacay Xaranta Baarlamaanka Ee Dalka Koonfur Africa Iyo Xogo Ka Soo Baxaya Dabkaasi

0
269

Dab Ka Kacay Xaranta Baarlamaanka Ee Dalka Koonfur Africa Iyo Xogo Ka Soo Baxaya Dabkaasi

Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika ee ku yaalla magaalada Capetown waxaa la sheegayaa inuu ka kacay dab xooggan.

Shaqaalaha dab damiska ayaa ku howlan yihiin sidi dabkaasi ay u xakameyn lahayeen.

Dabka oo ka kacay dabaqa seddexaad ee dhismaha baarlamaanka ayaan weli la sheegin dabka waxa uu ka kacay.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyeyna waxaa laga dheehanayaa qiiq cirka isku shareeray oo dhismaha baarlamaanka ka baxaya.

Dabkan baarlamaanka Koonfur Afrika ka kacay ayaa ku soo beegmaya saacada un kaddib markii kaniisadda Cathedral ee aan dhismaha baarlamanka ka fogeyn lagu aasay Desmond Tutu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here