Daacish Oo Gowracday Sarkaal U Afduubnaa Iyo Ciidamo Diray Farriin Hanjabaad Ah

0
398

Daacish Oo Gowracday Sarkaal U Afduubnaa Iyo Ciidamo Diray Farriin Hanjabaad Ah

Mas’uuliyiinta dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalkaasi labo todobaad uun kadib markii ay afduubteen kooxda Daacish.

Daacish ayaa soo bandhigtay sawir Talaadadii kaas oo muujinayay Colonel Yasser al-Jourani oo qoorta laga gooyay loona xiray dhar midabkiisu ahaa jaalle. Waxaa la qafaashay isaga oo howlgal ka waday Gobolka fog ee Xamriin ee dalka Ciraaq.

Mid ka mid ah dadkii la socday ayaa la helay isaga oo meyd ah, halka midka kalena nolol lagu helay, balse markii dambe ayuu ugeeriyooday dhaawacii loo geystay.

Ciidanka ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan sarkaalkaas ay daacish qoorta ka gooysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here